Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Kasoo Baxay Shirweynihii Guddiga Isboortiga Gobolka Banaadir Ee (Zone-Ka 5AAD)

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir sanadeedka maamulka ciyaaraha gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay caasimada Muqdisho waxaana ka qeyb galay madaxda gobolka Banaadir,wasaarada ciyaaraha iyo dhallinyaradda dowladda iyo guddoomiyaasha isboortiga degmooyinka Gobolka waxaan intii uu socday lagu soo bandhigay qorshayaashii qabsoomay 2018 iyo waxyaalaha la doonayo in la qabto sanada 2019.

62358411_2286373754934704_51273352736795

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada maamulka Gobolka Banaadir Basmo Caamir Shakeeti ayaa aad u bagaadisay maamulka ciyaaraha gobolka iyo kuwa degmooyinka wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxaysay,iyadoo ku dhiiri-gelisay labada dhinac in ay tartamo badan u qabtaan dhallinyarada ku nool degmooyinka Gobolka si loo hero tiro badan oo ciyaartooy ah kuwaas oo anfaca kooxaha iyo xulka qaranka.

64213811_2286374001601346_88411882160159

Ibraahim Xuseen Roonbe oo ah la taliyaha wasiirka ciyaaraha dowladda ayaa sheegay in madaxda ciyaaraha gobolka iyo kuwa degmooyinka looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan in ay fursado badan u abuuraan dhallinyaradda caasimada oo aad u jecel nuucyada kala duwan ee isboortiga ayna u diriyaan goobo casri ah ay kusoo bandhigaan xirfadooda ciyaareed.

62453494_2286373868268026_13265360656699

Guddoomiyaha isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa u mahad celiyay mas’uuliyeenta ciyaaraha degmooyinka,isagoo sheegay wax qabadkii sanadkii lasoo dhaafay ee lasoo bandhigay aysan qabsoomin laheyn la’aantooda iminkana aya si wadajir uga shaqeyndoonaan ajandayaasha cusub ee la doonayo in la qabto sanada 2019.

61846005_2286373701601376_19933773008417

Guddoomiyaasha ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa shir sanadkeeda kusoo bandhigay shaqooyinkii muhiimkaa ahaa ee sanadkii lasoo dhaafay 2018 lasoo qabtay waxyaalihii la qaban waayay,iyagoo dhinaca kale soo bandhigay aragtiyo cusub oo ku aadan horomarka isboortiga Gobolka Banaadir.62038359_2286373924934687_27306608315062

Maamulka ciyaaraha gobolka Banaadir ayaa labadii sano lasoo dhaafay ku guulaystay in caasimada Muqdisho lagu ciyaaro fiinaalaha ciyaaraha degmooyinka,xili habeen waxayna sanadkan qorshaynayaan in dhallinyarada caasimada ay u soo bandigaan aragti ku kale oo ku cusub tartamada degmooyinka Gobolka Banaadir ee 2019.

nani-300x169.jpg

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Shirwayinhii Guddiga Ciyaaraha Gobolka Banaadir.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this