Deeq A. Posted June 9, 2019 Jalalaqsi (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saacadihii la soo dhaafay Al Shabaab ay ka fuliyeen degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa ka dhacay agagaarka Buudada Jalalaqsi, halkaas oo ay ku socdaalayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Jabuuti. Sidoo kale weerarka kadib ayaa la sheegay in dagaal foolka fool ah labada dhinac uu ku dhexmay degmadaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkan, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn inta uu le’egyahay. Al Shabaab oo ka hadlay weerarkaas iyo dagaalka xigay, waxa ay baahiyeen in ay ku dileen illaa 13 ka tirsanaa Ciidanka Jabuuti, sidoo kalena ay ku gubeen Gaari Gaashaaman, sida ay hadalka u dhigeen. Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay taliska Ciidamada Jabuuti oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, waxaana howlgallo kooban Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen agagaaraha degmada Jalalaqsi ee G/Hiiraan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites