Deeq A. Posted June 9, 2019 Muqdisho (SMN) – C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xalay guddoomiyay shir looga hadlayay amniga magaalada Muqdisho. Shirka oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa waxaa diirada lagu saaray ammaanka Caasimadda. Sidoo kale waxaa shirka looga arrinsaday arrimaha Dariseynta iyo horumarka uu wado maamulka gobolka Banaadir. Guddoomiye Yariisow oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa kula dar darmay hay’adaha amniga in ay xoojiyaan amniga iyo howlgallada ka socda Muqdisho. Muddooyinkii la soo dhaafaty Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka waday degmooyinka gobolka Banaadir. View the full article Share this post Link to post Share on other sites