Deeq A. Posted June 9, 2019 Xallinta khilaaf soo dhex galay taliyaha ciidanka Booliiska Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse iyo taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa dib loo dhigay inta uu ka imaanayo madaxweynaha Puntland. Taliyaha Booliiska Puntland ayaa Sabtidii shaqada ka joojiyay taliyaha qeybta gobolka Nugaal kadib markii uu sheegay in uu amar-diiddo sameeyay laakiin saacado kadib ayaa waxa shaqadiisa u fasaxay ku simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka Puntland. Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa ku amray taliyaha Booliiska Puntland in uu soo galo magaalada Garoowe balse xubno ka tirsan golayaasha dowladda iyo guddiga amniga gobolka Bari ayaa Axmed Karaash ka codsaday in uu ka laabto go’aankaasi maadaama sida ay sheegeen Gen Muxiyadiin uu shaqa-muhiima u joogo gobolka Bari. Mudane Karaash ayaa aqbalay codsiga mas’uuliyiinta waxaana sidaasi dib loogu dhigay xallinta khilaafka u dhexeeya labada taliye iyadoo mid kasta lagu amray in uu shaqadiisa sii wato inta uu ka imaanayo madaxweynaha Puntland. PUNTLAND POST The post Xagee ku dambeeyay khilaafkii labada taliye? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites