Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Difaaca Xukuumadda Soomaaliya oo Baydhabo ka furay xarun lagu tababaro ciidanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed (Amardambe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa furey xarun cusub oo loogu talaalay in lagu tababaro ciidanka.

Munaasabadda Waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Richard Moore oo dowladda Ingiriiska u qaabilsan xafiiska siyaasadda arrimaha Dibadda,waxaana maalgelinaya xaruntani dowladda Ingiriiska.

Xaruntan tababarada ciidamada oo laga hirgeliyaya magaaladaasi baydhabo ayaa halkii mar lagu tababarikaraa ilaa 120 askari,taasi oo kordhinaysa tayada tababarada ciidamadaasi.

Saraakiisha Militari ee ka socota dalka Britain ayaa ka qeyb qaadanayay tababarada ciidanka Soomaaliyeed ilaa 2017,waxaana ay siinayeen tababaro la xiriira dhinacyada caafimaadka,hoggaanka,ilaalinta agabka,farsamada iyo xuquuqda aadanaha.

Danhiraja Dowladda Britain ee Soomaaliya Ben Fender oo munaasabadaasi furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Biraitain ay diyaar u tahay sidii ay u garab istaagi lahayd ciidanka Soomaaliyeed isagoo xusay in ay kamid yihiin dowladaha ugu badan ee taageera Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Maxamed Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa uga mahadceliyaya dowladda Ingiriiska isgarab taageeda Soomaaliya,wuxuuna sheegay in amniga uu yahay mid muhiim ah,isagoo soo hadal qaaday gulufka lagula jiro maleeshiyada Alshabaab.

1-10.jpg?w=1000&ssl=1 2-10.jpg?w=1000&ssl=1 3-11.jpg?w=1000&ssl=1 4-9.jpg?w=1000&ssl=1 5-8.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Difaaca Xukuumadda Soomaaliya oo Baydhabo ka furay xarun lagu tababaro ciidanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this