Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Shabaab hore oo DF ay ka howl-galisay Xamar oo natiijo yaab leh keenay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhowaad 100 qof oo hore uga tirsanaa Al-Shabaab islamarkaana aan waxbadan moogeyn Kooxdaasi ayaa durba saameyn ballaaran ku yeeshay gudaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Raggan waxaa laga howlgeliyay dhamaan degmooyinka gobalka Banaadir waxayn hogaano ka yihiin howlgalada Ciidamada Booliiska Soomaaliya, sida ay Caasimada online u xaqiijiyeen Saraakiil Booliis ah.

Dhamaan degmooyinka gobalka Banaadir ayaa laga howlgeliyay min 5 xubnood oo dhowaan ka soo baxay Al-Shabaab, waxaana laga mid dhigay Ciidamada gaarka ah ee howlgalada ka sameeya magaalada Muqdisho.

Shaqaaleynta raggan ayaa qeyb ka ah qorshe ay dowladda ku dooneyso inay ku aqoonsato Shabaabka ku jira magaalada ee laga yaabo inay yaqaanaan.

Xubnahaan ayaa shaqadooda waxay tahay in markii howlgal la sameeyo lana soo qabto tobaneeyo qof ay ku daaraan Faaro (Nalal waa wayn) kadibna ay ka soo saaraan dadka ay yaqaanaan oo ka tirsan Al-shabaab ama xiriir la-leh.

Si kastaba, waxaa jira walaac durba ka dhashay raggan. Todobaneeyo qof oo dhalinyaro ah ayaa hadda ku jira xabsiyada gobalka Banaadir waxaana soo baxaya kalsooni darro laga qabo kooxdaan oo la aaminsan yahay in aysan tilmaamin Shabaabkii saxda ahaa.

Sarkaal katirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa Caasimada online u sheegay in uu arkay fashilkii ugu weynaa ee Kooxdaan islamarkaana uu qabo in ragaan wali Al-Shabaab ka tirsan yihiin, oo aysan daacad ka ahayn xog bixintooda.

“Aniga iyo Saraakiil kale ayaa u wadnay howlgal waxaana geeyay xaafaddii iyo degaankii aan ku dhashay oo aan dadkeeda mid mid u aqaano, Wiil aan Abti u ahay weligiisna aan Al-Shabaab noqon ayey iiga soo dhax-saareyn dad shacab ah” ayuu yiri Sarkaalkaan.

“Markii hore waxay sheegeen in ay aad u yaqaanaan oo uu dilaa ahaa 3 bil oo Xabsi ah kadib waxaan ka soo saaray xabsigii waxaana loo waayay wax cadeyn ah waana sababta igu beertay walaaca kalsooni darrada ragaan” ayuu Sarkaalkaan katirsan Booliiska Soomaaliya.

Sarkaalkaan ayaa sidoo kale Caasimada online la wadaagay 2 qodob oo kale kuwaas oo abuuri kara kalsooni darro weyn iyo halis ku wajahan Ciidamada amaanka Soomaaliya.

“In shanta nin ay raacaan gaari beensal ah kadib markii dadka la soo qab qabtana inta meel la isugu keeno lagu daaro Nal wayn oo aysan waxba ka arkin dadka xiran balse iyaga la arko waxaa aragti ka timid xubno ka tirsan raggan” ayuu Sarkaalkaan hadalkiisa sii raaciyay.

“Waxyaabaha kale ee iga yaabiyay waxaa kamid ah in xiliyada la baxayo iyo degaanada howlgalka laga sameynayo shanta nin ayaa go’aamiya waxaan ka cabsi qabaa amaanka Ciidamada la socda” ayuu yiri Sarkaalkaan.

“Waa koox naga dhax shaqaysata sidaan filaayo ee uma shaqayso qaranka” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Sarkaalkaan katirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo la hadlay Caasimada online.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this