Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Jabuuti oo lagu weeraray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ugu yaraan 6 askari oo ka tirsan ciidamada Nabad Ilaalinta Jabuuti ee ku sugan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ay ku dhaawacmeen weerar jidgal ah ay kala kulmeen malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Wararku waxay sheegayaan in malayshiyaadka Al-shabaab ay shalay galab jidka u galeen kolonyo ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti xilli ay marayeen aga’gaarka buundada jalalaqsi balse ciidamadu ay iska caabbiyeen weerarkaasi.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in weerarka ay khasaare dhimaasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen  ilaa 13 askari oo ka tirsan ciidamada Nabad Ilaalinta Jabuuti islamarkaana ay ka gubeen gaari nooca gaashaaman ah.

Ciidamada Jabuuti ee ku hawlgala magaca AMISOM ayaan weli ka hadlin weerarka iyo khasaaraha ka dhashay iyadoo aysan jirin cid si madax-bannaan u xaqiijin karta khasaaraha halkaasi ka dhacay.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Jabuuti oo lagu weeraray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this