Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi oo bari u socdaalo doona dalka Sweden Muxuu daaranyahay socdaalkiisu?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi ayaa lagu wadaa in uu maalinta bari ah uu u socdaalo dalka Sweden,  wararku waxa ay sheegayaan in aanu dawlada Sweden  haba yaraatee aanu ka helin wax marti qaad ah.

Hase ahaatee uu casuumad ka helay Xisbiga Christian Party oo ka mid ah xisbiyada ka jira dalkaasi Sweden.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa todobaadkani maalintii ciidka mar uu dadweynaha kula hadlaaya salaadii ciidka ka dib sheegay in aan hay’adaha samafalka aan waxba laga sugin madaama oo ay waxa ay keenayaan laga soo urururiyo Kiniisadaha Kiristanka.

Dhanka kalelna warar la isla dhex maraayo magaalada Hargeysa, ayaa sheegaaya in madaxweynahu uu xaalad caafimaad dalka dibadiisa ugu baxaayo, mana jirto ilaa hada wax war ah oo Ku saabsan socdaalka madaxweynaha oo ka soo baxay xaga xukumadda

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this