Deeq A. Posted June 8, 2019 Balcad (SMN) – Waxaa maanta Koronto la’aan xoogan ay ka jirtaa degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in gabi ahaanba la jaray Korontadii degmadaasi. Arrintan ayaa timid, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay shirkad bixisa Korontada iyo maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeeelaha DHexe. Dad dadka Shacabka ayaa haatan cabasho weyn ka muujinaya Koronto la’antaasi oo ku yeelatay saameyn xoogan. Balcad waa magaalo istaraatiiji ah oo isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites