Deeq A. Posted June 8, 2019 Boosaaso (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa ku warramaya in Saaka Al Shabaab ay la waregeen gacan ku heynta deegaanka Af Urur ee gobolkaasi. War ka soo baxay Al Shabaab, laguna baahiyay barahooda Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in ay si nabdoon ku qabsadeen deegaankaasi, kadib markii ay isaga baxeen Ciidamada maamulka Puntland. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Dagaalyahannada Al Shabaab baaritaano xoogan ay ka sameeyeen halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Puntland ay u dhaqaaqeen dhanka degmada Carmo ee isla gobolka Bari Af Urur oo ah deegaan istaraatiiji ah ayaa ku yaalla Buuraleyda Golis, waxaana uu 30 KM u jiraa Laamiga dheer ee soo gala magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Xaaladda ayaa haatan kacan, waxaana haatan dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qeybo ka mid ah gobolka Bari. View the full article Share this post Link to post Share on other sites