Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland Oo Dhiseysa Garoonka Diyaaradaha Ee Degmada Ceel-waaq, Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay dhisi doonaan garoonka diyaaradaha degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.

Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi oo warbaahinta la hadlay isaga oo ku sugan degmada Ceel-waaq ayaa sheegay in garoonkan uu noqon doono midkii ugu horreeyey ee degmadaasi oo waliba si wanaagsan loo dhisi doono.

Sidoo kale, Sayid Aadan ayaa dhagax dhigay dhismaha garoonkan, isaga oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhisi doono garoonkaasi.

“Waxaan dhagax-dhignay garoonka diyaaradaha Ceel-waaq oo noqon doona kii ugu horreeyey, waxaana jecelnahay in sida ugu dhaqsiyaha badan aan ku dhisno” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa maalmahan dambe wuxuu socod ku marayaa deegaanno ka tirsan gobolka Gedo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this