Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad ka taagan Beledweyne iyo Dabageed oo ka horyimid Xil ka qaadista lagu sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xiisad adag ay ka taagan tahay xarunta maamulka Gobolka oo ku taala bartamaha magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiye Yuusuf Dabageed oo xilka laga qaaday uu gabi ahaanba diiday xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo inuu xilka wareejiyo.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in Shacabka Hiiraan ay ka tashadeen madaxweyne Waare, islamarkaana uusan aqbalsaneyn xil ka qaadista lagu sameeyay.

Arinta ugu weyn ee guddoomiye Dabageed iyo madaxweyne Waare isku qabteen ayaa ah maareynta dhaqaalaha badan ee kasoo xarooda gobolka Hiiraan, waxaana madaxweynaha uu doonayaa in lacagta ka timaado Beledweyne Toos loogu shubo Bangiga maamulka Hirshabeelle oo isaga uu maamulo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa wadda dadaalo looga hortagayo in Khilaafka Yuusuf Dabageed iyo Madaxweyne Waare uu sii xoogeysto.

Yuusuf Dabageed ayaa shalay ku dhawaaqay in dadka kunool degaanada gobolka Hiiraan ay ka tashadeen Madaxweyne Waare ka dib markii uu sheegay in uu si weyn uga soo horjeeddo horumarinta gobolka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Xiisadaasi ayaa maanta ka taagan magaalada Beledweyne, waxaana la ogeyn  ida saacad kastaa xaalka uu noqon karo.

Caasimada online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this