Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uul ka tirsanaa maamulka Sh/ Dhexe oo lagu dilay Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (SMN ) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.

Dilka ayaa waxaa la sheegay in loo geystay nin lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Xaaji Muxumad, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen Goobjoogayaal.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu ahaa guddoomiye ku xigeenkii deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in uu ahaa Sarkaal sare oo ka tirsanaa Waaxda Canshuuraha ee maamulka HirShabelle.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano ka sameeyay halkaasi, inkastoo ay baxsadeen raggii ka dambeeyay dhacdadaasi.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid dagan, waxaana halkaasi howlgallo ka waday Ciidamada DFS iyo kuwa maamulka HirShabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this