Deeq A. Posted June 8, 2019 (SLT-Najran)-Kooxda Shiicada Yemen ee Xuuthiyiinta ayaa sheegay in 20 goobood ka qabsadeen ciidamada dowlada Sacuudiga kadib markii ay gudaha u galeen gobalka Najran ee koonfurta wadanka Sacuudiga. Muuqaalo ay kooxdan ku baahisay internetka ayaa muujinayey weeraro ay maleeshiyaadkaasi ku qaadayeen fadhiisimaha ciidamada Sacuudiga ku leeyihiin soohdinta u dhaxeysa Yemen iyo Sacuudiga. Weeraradan kadiska ah ayaa u muuqda qorshe cusub oo ay kooxda Xuuthiyiinta doonayaan inay cadaadiska ku saaraan Boqortooyada Sacuudiga, kooxdaasi ayaa hore weeraro duqeymo ah oo ay u adeegsadeen gantaalo iyo drone ulla beegsaday magaalooyinka & Xarumaha shidaalka ee Sacuudiga. Source Share this post Link to post Share on other sites