Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Karaash buriyay shaqa-joojin lagu sameeyay taliyaha qeybta Booliiska Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shaqadiisa u fasaxay taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir saacado  kadib markii uu shaqada ka joojiyay taliyaha ciidamada Booliiska Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse.

Gen Muxiyadiin ayaa shaqa-joojinta u cuskaday amar qaadasho la’aan uu sheegay in uu sameeyay G/sare Cabdixamiid Dirir oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka PSF ee gobolka Nugaal.

Balse madaxweyne ku xigeenka ayaa buriyay shaqa-joojinta waxaana taliyaha Booliiska lagu amray in uu mudda 24 saac gudaheeda ku soo galo magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

PUNTLAND POST

The post Axmed Karaash buriyay shaqa-joojin lagu sameeyay taliyaha qeybta Booliiska Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this