Sign in to follow this  
Deeq A.

Ajnabi xiriir la lahaa Al Shabaab oo lagu xiray dalka Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay inay xirtay ruux ajanabi ah oo la sheegay inuu xiriir la lahaa ururka Al Shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

Ninka la xiray oo u dhashay dalka Bangladesh ayaa ku eedeysan inuu xiriir la lahaa ururka Al Shabaab, waxaana saraakiisha Mareykanka ay sheegeen in hadda xabsiga lagu hayo islamarkaana baaritaano ay ku socdaan.

Sidoo kale muwaadinka u dhashay Bangladesh Eedaha kale ee loo heysto waxaa ka mid ah in uu isku dayay in uu weerar ka geysto fagaaraha Time Square ee Magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Rahatul Ashikim Khan ayaa lagu xiray gobolka Taxes ee dalka Mareykanka, waxaana uu ku eedeysan inuu xiriir la leeyahay ururka Al Shabaab, walow aan xog dheeraad ah laga bixin qaabka uu xiriirka ula lahaa Al Shabaab.

Waxaa uu 2014-kii ka caawiyay dhalinyaro kale in ay u safraan Afrika kuna biiraan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya.

Ashiqul Alam, oo 22 jir ah ayaa la sheegay in uu taageere rasmi ah u ahaa hoggaamiyihii hore ee Al Qaacidda Usama Bin Laden.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this