Sign in to follow this  
Deeq A.

K/ Galbeed oo dib u dhiseyso Buundada Bariire

Recommended Posts

Deeq A.   

Bariire (SMN) – Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Isaaq Cali Ibraahim Subag oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray deeganka Bariire ee gobolkaasi.

Wasiir Subag ayaa sheegay in ay wadaan qorshe dib u dayactir loogu sameynayo Buundada deegaanka Bariire oo la sheegay in ay horay u burburiyeen Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.

Sidoo kale Wasiirka ayaa maamulka Shabeelaha Hoose uga mahadceliyay dadaalka lagu derder gelinayo amniga oo ay ka wadaan deegaanada gobolkaasi.

Deegaanka Bariire oo qiyaas ahaan 60 KM K/Galbeed ka xiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan la wareegay Ciidamada dowladda Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this