Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee Bartamaha magaalada Jowhar loogu dilay Sarkaal ka tirsanaa Hirshabeelle?

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil toogasho oo ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabeelle, kaasi oo loo geystay sarkaal ka tirsanaa maamulka Hirshabeelle.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ay xaafadda Hantiwadaag ee magaalada Jowhar ku dileen C/rashiid Maxamuud Sheikh Cali oo kamid ahaa dhalinyarada magaalada Jowhar.

Kooxo hubeysan oo bastoolad watay ayaa rasaas la dhacay C/rashiid oo kamid ahaa saraakiisha waaxda dabagalka Canshuuraha ee magaalada Jowhar, waxaana kadib baxsaday dadkii dilka geystay.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka marka la dilayay uu kasoo baxay masaajid ku yaala xaafadda Haniwadaag, waxaana la ogeyn ujeedada dilkiisa ka dambeysa.

Waa dilkii ugu horeeyay oo noociisa ah oo ka dhaca magaalada Jowhar sanadihi ugu dambeeyay, iyadoo xaalada magaalada ay wanaagsaneyd.

Maamulka degmada Jowhar ayaa sheegay inay socdaan baaritaano ay sameynayaan ciidamada booliska ee magaalada, kuwaasi oo tagay goobta falka uu ka dhacay, kadibna baaritaano bilaabay.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this