Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Ku Xigeenkii Deegaanka Gamboole Oo Lagu Dilay Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Rag hubeysan ayaa waxay magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe ku dileen, gudoomiye ku xigeenkii deegaanka Gamboole ee gobolkaasi.

C/rashiid Xaaji Maxamed ayaa la toogtay xilli uu ku sugnaa bartamaha magaalada Jowhar, waxaana goobta isaga baxsaday raggii falkaasi ka dambeeyey.

Ciidamada ammaanka oo gaaray halka dilkan uu ka dhacay ayaa sameeyey howlgl ballaaran oo lagu radinayey dadkii falkaasi ka dambeeyey, balse ma jirto cid lagu soo qabtay.

Maamulka magaalada Jowar ayaa wax faah faahin ah ka bixin dikaasi, hase ahaatee xaaladda magaalada Jowhar ayaa maalmahan dambe ahaa mid hagaagsan.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this