Deeq A. Posted June 8, 2019 Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed). Mudane Waare ayaa guddoomiyaha Cusub ee gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Maxamed Carraale oo kamid ahaa murashixiintii u tartamay xilka madaxtinimada dowlad goboleedka Hirshabeelle. Xilka qaadista Dabageed ayaa timid saacado kadib markii uu eedaymo culus u jeediyay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare oo uu ku eedeeyay lunsashada dhaqaale laga uruuriyay bulshada gobolka Hiiraan. Hoos ka akhriso Dikreetada PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii gobolka Hiiraan oo xilka laga qaaday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites