Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ku-xigeen awooddii maamul laga wareejiyey oo loogu baaqay inuu is-casilo

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiir kuxigeenka Qorsheynta Somaliland ayaa waxa loogu baaqay inuu iska casilo xilka uu xukuumada Biixi u hayo, kadib markii ay soo if-baxday in laga wareejiyay awoodiisi maamul ee uu wasaarada ku lahaa.

Boqor Axmed Iimaan Warsame ayaa Eng Xuseen Buuni oo ah wasiirka kuxigeenka Qorsheynta usoo jeediyey inuu is-casilo, isagoona ka dhawaajiyey in Mas’uuliyadii Wasiir kuxigeenka uu Madaxweyne Biixi ku wareejiyay Wasiirka maaliyada, wuxuuna yiri

“Waxa dhacday in wasiirkii qorshayntu uu xaalad caafimaad ugu baxay wadanka dibadiisa, halkii loo dhiibi lahaa Wasiir kuxigeenka oo hayb ahaan aanu isku beel ka soo wada jeedno oo uu ku sime u noqon lahaa wasiirka maqan ayaa hadana la keenay Wasiirka maaliyada Sacad Cali Shire oo hawl culus u haya wadanka”.

“Iyada oo markii laga soo badalay arimaha dibada ee maaliyada la keenay ay Somaliland sawir kale ka bixisay hadana marka la yidhaa wasaaradii kalana waa loogu daray isaga oo ka soo jeeda beesha madaxweyne Muuse, wasiir ku xigeenkayagana la yiri laguma aaminayo inuu ku sime noqdo Somaliland iyo anaguba sawir kale ayaanu u aragnay, iyada oo ay markii hore nagu jirtay shakiga ah in madaxweyne kasta uu ka badalaya ku balamiyo in wasiir ku xigeen naloo magacaabo”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Wasiir kuxigeenka qorshaynta waxa sharaf u noqon lahayd oo dadnimo, magac iyo sharaf ku heli lahaa inuu is casilo, Maantana sharaftiisa iyo dadnimadiisu waxay ku jirtaa inuu hayo dulinimada oo uu iska casilo”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this