Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaska Askarigii Muqdisho meydkiisa lagu arkey oo sheegtay in ninkeeda la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho  (SMN): – Xaaska Sarkaalkii saakay la sheegay in uu isku daldalay Xerada Ciidamada ee xaafada Sheelare degmada Xamamar Jajab ee Gobolkan Banaadir,ayaa sheegtay in uusan is dilin balse la dilay.

Allaha u Naxariistee Meydka Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed ayaa lagu arkay Gudaha Xerada Sheelare,isaga oo qorta uu u suran yahay xarig, isla markaana meyd ah.

Xaaska Marxuumka oo lagu Magacaabo Deeqo Axmed ayaa beenisay wararka sheegaya in ninkeeda uu is dilay,hayeeshe ay sheegtay inay tuhmeyso in si ula kac ah loo dilay.

Iyada oo Warbaahinta kula hadleysay gudaha Xerada ayaa waxaa ay sheegtay in madaxda ka sareysa ay kusoo wargeliyeen in la duminayo Hoyga ay degan yihiin,,isla markaana ay ka guuraan,balse uu u sheegay in uusan garaneyn meel uu aado.

Waxaa ay hadalkeeda intaasi ku dartay in uu soo wacay Sarkaal ay Magaciisa kusoo koobtay Sulub,kaas oo ay sheegtay in uu ku amray inay Guriga ka guuraan,balse saakay meydka seygeedii lagu arkay Xerada Ciidamada ee Sheelare.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this