Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahin: Dil toogasho oo ka dhacay HARGEYSA

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay xerada Ciidamada birmadka ee magaalada Hargeysa, kaasi oo loo geystay Askari ka tirsan Ciidamada birmadka Somaliland.

Dilkan ayaa waxa geystay Askari ay ka wada howl-galayeen xerada Birmadka, oo magaciisa lagu koobay Caateeye, kadib markii ay is af-dhaafeen Askariga kale ee uu toogtay oo isaguna lagu magacaabo Cabdinaasir Axmed Aadan.

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen oo xabsiga u taxaaben Askarigii dilka fuliyay, isaga oo aan weli ka baxsan xerada uu dilka ka geystay.

Askarigan dilka fuliyay ayaa hayb ahaan kasoo jeeda gobolka Awdal, oo dhowaan gobolada bariga looga dilay labo sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland, halka uu Askariga uu toogtayna uu kasoo jeeday gobolka Gabiley.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada Amaanka iyo Xukuumada Muuse Biixi oo ku aadan dilkan ka dhacay xerada ciidamada birmadka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this