Sign in to follow this  
Deeq A.

Bursaliid oo maxkamad lagu soo taagay Nairobi iyo waxa lagu haysto oo la shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa saaka kasoo muuqday Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Seddex ruux iyo isaga ayaa saaka waxay kasoo muuqdeen maxkamad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii ciidamada la dagaalanka argagixisada ay kasoo qabteen guriga ay ka degen yihiin Nairobi.

Wararka ayaa sheegaya in Dr Bursaliid iyo seddexda kale ee lala xiray looga shakiyay arimo la xiriira argagixiso, balse waxaa la sheegayaa in lagu helay kiisas kale oo la xiriira arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo loo malaynayo inuu yahay musharax.

Ibrahim Qaasim Faarax (Bursaliid), Maxamud Maxamed Bashiir, Cali Cabdi Maxamed iyo Xuseen Xassan Muxamud, ayaa maanta maxkamad lasoo taagay, kadib markii laga qabtay deegaanka Muguga ee xaafadda Kiambu.

Wararka ayaa sheegaya in masuuliyiintaan lagu amray inay sii xernaadaan muddo afar maalin oo kale si baaritaanada ku socda loosoo dhameeyo, sida ay amartay maxkamadda maanta lasoo taagay.

Dembi baarayaasha Kenya ayaa sheegay in afartan qof ay ku lug yeesheen howlo qarsoon oo ku saabsan doorashada Somaaliya, si ay uga faa’iedeysteen dhinacyo kale oo weli la raadinayo.

Ma jiro war kale oo kasoo baxay dhanka Qareenada u doodaya Dr Bursaliid iyo xubnaha la xiran.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this