Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Gaadhay Dalka Sudan +SAWIRRO

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum) Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Abby Ahmed ayaa maanta gaadhay magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Sudan si uu u dhex-daadiyo hogaamiyayaasha milatariga haya talada dalka Sudan iyo isbahaysiga kooxaha dibad-baxayaasha, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan safaaradda Ethiopia ee Khartoum.

C5B46F85-02AC-4A04-B53E-90C9273DBEB5.jpe 39C103A8-CFB2-4797-B673-3FD9215588A3.jpe

Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa la kulmay Golaha Militariga Sudan iyo Isbahaysiga Xooggagga Xoriyadda iyo Is-beddelka, inta lagu guda jiray booqashada halka maalin ah.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika ayaa Sudan ka hakiyey xubinnimadii iyo dhammaan dhaq-dhaqaaqyadii ururka, inta dowlad rayid ah looga dhisayo dalkaas.

Golaha ayaa go’aankan ku dhowaaqay kadib kulan ay xubnaha golaha maanta ku yeesheen magaalada Addis-Ababa.

Go’aanka ayaa ka dambeeyey kadib markii dhowaan ay sare u kaceen rabshadaha dalka Sudan, ayada oo ciidamada ammaanka ay toddobaadkan dileen dad ka badan 100 qof oo dibad-baxayaal ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this