Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuusuf Dabageed oo sheegay inuu jawaab deg deg ah ka sugayo AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay inay sugayaan jawaab deg deg ah oo ay ka helaan taliska ciidamada AMISOM ee ku sugan Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saldhigyada ay horay Baladweyne uga hirgeliyeen Booliska AMISOM uu uga mahad celinayo, hayeeshee uu ka dalbaday in Afarta xaafadood ee Magalada Baladweyne ay saldhigyo kale ka dhisaan.

Wuxuu sheegay inay sugayaan jawaabta deg dega ee dhismaha saldhigyadaasi, maadaama sida uu sheegay horey ay kaga dalbadeen inay saldhigyadaasi kaga furtaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Beledweyne.

Saldhigyadaasi ayuu sheegay inay qeyb ka qaadan doonaan adkeynta amaanka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana uu sheegay inaysan wali helin jawaabtii maamulkooda uu doonayay.

Jawaabta deg dega ah ee ay sugayaan ayuu sheegay inay tahay in laga aqbalo codsigooda ama lagu wargeliyo inaan la aqbalin codsigaasi.

Taliska ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ayaa mashaariic kala duwan ka sameeyay Hiiraan, waxaana uu tababar siiyaa ciidamada booliska ee maamulka Hirshabeelle.

Xaafadaha kala duwan ee magaalada Beledweyne waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo mararka qaar ay geystaan Al Shabaab, waxaana guddoomiye Dabageed uu sheegay in saldhigyadaasi wax badan ka tari lahaayeen amaanka magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this