Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil 15 sano oo xabsi ah ku mutaystay hees ay qaado fanaanada Khadra Daahir

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhibaatooyinkii xanuunka badnaa ee ka dhacay Dawladda Deegaanka Soomaalida xilligii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa waxa maalinba maalinta ka dambaysa soo baxaysa qiso xanuun badan oo dadka layaab ku noqonaysa, taas oo ay ka sheekaynayaan dadkii jeelasha lagu guray ee sida ba’an loo dhibaateeyey.

Dadka ayaa qofkii la doono la xidhayey, ka la doono la dilayey, kan la doonana lala wareegayey hantidiisa, taas oo ay dheerayd kursiga dumarka iyo carruurta, iyadoo ay waxaas oo dhan samaynayaeen masuuliyiin iyo ciidamada u gaarka ahaa Cabdi Iley.

Ciidamada gaarka ah ee Deegaanka iyo Kooxdii HEEGO ayaa waxay ka shaqayn jireen jaajuuska iyo raadinta waxyaabaha lagu qoro baraha bulshada ee Facebook, taas oo keeni jirtay in qof aan waxba galabsan jeelka loo taxaabo iyadoo loo nisbaynayo in qof ay ehel ama qaraabo yihiin uu Facebook soo dhigay farriin aanu jeclaysanin nidaamkii xilligaas ee waqtigan jeelka ku jira.

Qisooyinka yaabka leh ee soo baxay waxa ka mid ah, in wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdiwali Maxamed Cumar uu bartiisa Facebook ku qoray hees ay qaaddo fannaanada caanka ah ee Khadra Daahir Cige, taas oo keentay in ciidamo ordaya ay ugu yimaaddeen goobtii uu ka shaqaynayey oo ay xabsiga u dhaadhiciyeen, iyadoo lagu xukumay 15 sannadood oo xadhig ah.

Muddadii uu Cabdiwali ku jiray Jeelka, waxa uu la kulmay dhibaatooyin badan, waxaana uu goob joog iyo markhaatiba ka yahay dad si arxan darro ah loogula dhaqmayey gudaha Jeel Ogaadeen, kuwaas oo uu isaguba ka mid ahaa.

Cabdiwali oo ah xirfadle caafimaad oo ku noolaa xilligii la xidhay degmada Gallaadi ee Gobolka Doollo, waxaana ay ciidamadii soo qabtay waydiiyeen ujeedaddada uu ka leeyahay heesta uu bartiisa Facebook ku qoray, ka hor intii aan lagu ridin xukun 15 sannadood ah.

Dhibbahan oo dhawaan ka warramay dhibaatooyinkii uu la kulmay intii uu jeelka ku jiray, ayaa waxa uu tilmaamay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo uu ku kici jiray Xasan Dheere oo ahaa madaxii Jeel Ogaadeen oo dhawaan laga soo qabtay Somaliya, kuna jira gacanta DDS.

Cabdiwali oo arrintan ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi: “Degmada Gallaadi ee gobolka Doolo ayaa layga soo xidhay. Waxaan ahaa xirfadle caafimaad, waxaana layga soo qabtay santarkaygii. Waxa laygu soo eedeeyey aragti xumo, waxa laygu yidhi facebook-gaaga ayaad ku qortay hees ay Khadra Daahir qaaddo tuduc ka mid ah oo tidhaahda: “Cudurka kaa gala fardaha haddii laga gubo dameer dawada lama gaadhayo.” Maxaad ka waddaa baa laygu yidhi?

Kiiskaygu halkaas ayuu kasoo bilaabmay. Kaddib waxa lay keenay Wardheer, waxaana la igu xukumay 15 sannadood oo xadhig ah, kaddibna waxa la iisoo dhaadhiciyey Jeel Ogaadeen.”

Heesta Cudurka Kaa Gala Fardaha, waxa midhaheeda sameeyey Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganey), waxaanay ka mid ahayd riwaayaddii la odhan jiray ‘Nin Illaahay wakiishay nasiibkiisa ma waayo.”, waxaana uu abwaanku ku darsaday riwaayaddaas oo uu sameeyey Abwaan Xasan Kayd.

Laxanka waxa saaray Aweys Abokor Nuur Goobbe, waxaana ku luuqaysay fannaanadda codka macaan ee Khadra Daahir Cige.

Akhriso heesta oo dhamaystiran:

Cudurka kaa gala fardaha
Haddii laga gubo dameer
Dawada lama gaadhayoo
Anoon weli kuu ged bixin
Geed dheer bay saaran tahay
God-dhowgiyo gawraciyo
Aan goorino xaalka tagay
Gartana aan kala lahayn
Ayaan gogol kula hurdaa
Gantaashana waa qabaa
Martina guulaan u ahay
Qof go’ay iyo roob galbeed
Midkoodna hadduu galbado
Gadaal uma soo noqdee
Go’aankii hore u daayoo
Ayaamahan gaabiska ah
Horaadkaan godol lahaa
Hadday iga gaagaxsheen
Iyana waxaan kaga gudbaa
Gobeeya liicoo ha jabin
Gantaashana waa qabaa
Martina guulaan u ahay.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this