Deeq A. Posted June 6, 2019 Muxaafidka maantu wuxuu u qaybsamaa todobaa jaad , oo kala ah , Jiif oo jaq , waa koox xanjo meel uun ugu dhegan tahay oo kormeera baraha bulshada ,waxaana la dhahaa jiif oo jaq . Joog oo jaq , waa koox ka tirsan hawl-wadeenadda iyo saraakiisha xilalka haysa , kuwaasoo maraqa muufadu isugu jirto . Jiidoo jaq , waa koox iyagu danley ah oo mashaariic iyo shaxaad kale waxay helaanba marmar wax soo gaadhaan , kuwaas na waxaa la dhahaa jiidoo jaq . Jiidhoo jaq , waa koox miidayaha ka qaylisa oo marka ay waxoogaa buuqaanba ku qadhaab doonta sidaan u jiidhay ma arkaysay kuwaasna waxaa la dhahaa jiidh oo jaq . Jamoo jaq , kooxdani waa koox mucaashiqiina , oo muxubo awgeed iska qiiraysan sidaa darteed waxa la dhahaa jamoo jaq . Jaboo jaq , kooxdanina waa koox ku guuldaraysatay in ay meelnaba kasoo galaan xukuumadda iyo albaabadeeda ,hadana weli ka dhursugaya , kuwaasna waxa la dhahaa jaboo jaq . Juud oo jaq , kooxdani waa koox muxaafidka qudhiisu ka maarmay oo aan dan iyo muraad cidina ka lahayn iyana is og laakiin weli isku dhedhejinaya , kuwaasna waxa la yidhaahdaa juud oo jaq .Muxaafidka maantu waa 7 jaad , barasho wanaagsan W/Q: Ahmed Nour Guruje Source Share this post Link to post Share on other sites