Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomalilaan Kumay Iman Is Xulafeysi Jeegaamaysan Balse Waxaa Loo Soohuray Naf Iyo Maal Ummadda JSL U Wada Dhameyd !

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaranimada lagu naaloonayaa  kumey  iman    habaqleysi iyo hormo-qamaam, kumey iman, kula lihi iyo kaa lihi, kumey iman ku daneyso iyo ka daneyso, kumey iman hanyari iyo  hawaawil ee waxay ku timi hal-adeyg, hanweyni, hawlgal adag iyo gumucii iyo gaashaan kii  mujaahidiintii xijaabatay ee  ay ka sii  nool yihiin inta yar   ee debedyaalka  u ah    dacdarada dabeedaca  uu sicir bararku u dheer yahay.

62DBF23A-1761-47D7-9C2D-5A961798745F.png


Qaranimadu maaha oo keliya inta Digreetada ku timi, inta dabo socota ee dawaada ka maraareysatey iyo inta dibirtay ee doobineysa ee dhibi shaxleyneysa ee Qaranimadu waa shacabka qaybihiisa kala duwan oo noqda qowmiyad mid ah oo leh quluub mideysan oo isku dan ah, isku dad ah, oo isku dal ah, ku waas oo  wadaaga dhamaan midhaha dawladnimo sida ilaha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin mansabka,maganta, moorada iyo maquunadaba.
Somalilaan kumay iman Hadyad iyo hagbad jeegaamaysan balse waxaa loo soo qubay dhiig badan waxaana loo huray naf iyo maal ay dhamaan shacabka Somalilaan wada lahaayeen sidaa daraadeed marna xukuumada laga yeeli maayo in ay shacabkii halganka a’dag iyo hayaanka dheer u soo  wada maray xornimada dalkooda in la kala fadilo oo loo kala eexdo loona kala badiyo manfaca, mansabka, maganta, moorada  iyo midhaha dowladnimo.
Waxaa ayaan daro ah in maanta uu hoos udhacay meeqaamkii, mustawihii iyo tisqaadkii hanaankii geedi-socodkii dimuqraadiyadeed maadaama sadexdii gole ee la doortay ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan Doorashooyinkiina aanay soo naaso cadayn. Waxaa iyana hagaasay maareyntii maamul ,maslaxadii, maamuuskii iyo masiirkii guud ee qaranka Somalilaan ku taamaayey mudada dheer. Markii ay Xukuumadu ku soo ururtey  hungo madhan iyo Abaal celin Malaasan.  Qarankeena yar ee raad qaadka ah ee ragaadey ee raranka  maanta saarani wuxuu halkan uu maanta joogo ku soo gaadhey hawlgalo badan iyo hayaan dheer, siyaasiyiin utudha iyo ruug cadaa samo talis ah oo isku duuban oo ummadda isku wada  oo walaaleeya oo arin kasta oo cakiranta  ku soo dabaali jirey garnaqsi, talo-wadaag,isu tanaasul  taas oo intiiba  ay maanta meesha ka baxdey oo ay  bedeshay quluub kala jeeda,qowleysato hantiday ilihii dhaqaalaha ee dalku lahaa, colaado degaan oo degamsan, isu jabhadeyn iyo cadaawe siyaasadeed oo huwan dabin isu maleeg joogto ah oo  udhaxeeya ceelalyadii ummaddu sugeysay iyo dhamaan intii talada wadanka bud dhigi laheyd.  Saaxiibkay  Raage ayaan ka guntay ” Mar hadii rayigu kaa banjaro kuuma buuxsame eh “  Waxaa dalka ragaadiyey qabyaalad bacrimtay oo duluca furatay, colaad beelaysan,musuq-maasuq iyo maal urursi xadhkii goostay, mashruuc bursi jeegaamaysan, iskooxeysi shirkadeysan. dhul-boob baahsan oo hadaf waqti-dheer ku qotoma oo shaadh iskaashato, mid wershedeed iyo mid shirkadeed gashan taa soo gabood looga dhigay deyr adag oo qabyaadaleysan oo aan gabasho laheyn. Waxaa dalka hagaasiyey Hawlwadeeno aan la carbin oo aan laheyn higsi iyo hilaad durugsan , odoros iyo aragti fog taas oo  nusqaan iyo nitaakhaba ku noqotey haykalkii iyo haybadii, qaranimo, wadaninimadii,wadarnimadii, sumcadii iyo quraxdii dawladnimo, higsigii iyo habsami usocodkii iyo himilooyinkii la higsanaayey ee lagu taamaayey mudada dheer.  Shacabka Somalilaan waxaa deeqa oo keliya cadaalad ay si siman ugu wada noolaadaan oo u  wadaagaan midhaha dowladnimo,  una sinaadaan ilaha dhaqaalaha iyo hantida  maguuraanka ah ee qaranka si ay udhowrtaan dalkooda , dantooda iyo deegaankooda. Dhammaan mushtamaca JSL,  waxa  dhiqi kara oo keliya nabad, walaalnimo, waayeelnimo, iyo wadaaga anfaca iyo agabka dalkooda.  Waxaa wax-garadka siyaasada Somaalilaan udhuun daloolaa ay maanta isku wada raaceen in siyaasada guud ee Somalilaan ay hada ku jirto marin habow, mad-madow badan iyo indo sarcaad baahsan oo iska dabowareeg ah taa soo  aan la saadaalin karin lana garan karin qorsheyaasheeda iyo Jihada ay u socoto  . Waxay xukuumadu ku fashilantay in ay noqoto xukuumad ummadda wada deeqda, walaaleysa, dhex u noqota, oo dhayda diiftii iyo dildilaacii ay reebtay doorashadii dhamaatay ee la soo dhaafay.Waxaana xukuumada looga fadhiyaa in ay doorashooyinka qabato oo shacabka mideyso oo  dalka ka dhigto Somalilaan loo siman yahay oo lawada leeyahay si ay shacabku u noqdaan ul iyo diirkeed, hal qoys oo wax walba wadaaga oo ilaashada danahooda iyo dantooda guud. Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan”” Anigu daaha kama rogin ee dadkuba way arkaayaan ” Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu gey geyso ”  Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London     

Qalinkii A/rahman Fidhinle UK

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this