Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Maraykanka Oo Boqorada Ingiriiska Kala Qaybgalay Xus Tarikheed Muhiim Ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)Madaxweyne Trump ayaa Arbacadii shalay boqoradda Britain Elizabeth u raacay magaalada bariga dalkaas ku taalla ee Portsmouth, halkaas oo uu ka dhacayey xuskii 75aad ee maalinta loo yaqaan D-Day oo ah maalinta dalalkii xulufada ahaa ay ku duuleen deegaanka Normandy ee xeebaha Faransiiska, duullaankaas oo keenay in Nazigii laga adkaado, ugu dambeynna uu dagaalkii 2aad ee dunidu soo gabagaboobo.

05A812C6-6387-4802-8B24-39525A49B037-102

Hogaamiyeyaal dhowr iyo toban ah ayaa iyaguna goobta joogay, kuwaas oo ku jiraan RW-ha Britain Theresa May, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, RW-ha Canada Justin Trudeau, kuwaas oo dhamaantood amaanay geesinimada askartii qeybta ka ahaa weerarkii dhinaca biyaha ee dunida ugu weynaa, kaas oo ay ciidanka Jarmalka kaga hortageen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this