Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalka Shiinaha Oo Uga Digay Muwadiniintisa Inay U Socdalaan Maraykanka.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)Dowlada Shiinaha ayaa muwaaddiniinteeda dalxiiska ku taga Mareykanka uga digtay safarka ay ku tagayan Mareykanka inay aad uga taxaddaraan maadaamaa ay khatar amni darro ka soo wajihi karto.

67ADBBF1-7D07-43FC-9B9A-073396EB0FD8.jpe

Wasaaradda dhaqanka iyo dalxiisaka Dalka Shiinaha ayaa muwaaddiniinta Shiinaha uga digtay khatar uga iman karta falalka ay ka mid yihiin tuugnimo iyo dilalka aan loo meel dayin oo Mareykanka ka dhaca loona adeegsado hubka sharci darrada.

Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sida oo kale sheegtay hay’adaha Sharciga ee Mareykanka inay muwaaddiniinta Shiinaha ay xadgudubyo u geystaan.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu Mareykanka iyo Shiinaha uu ka dhex taagan yahay dagaalka Ganacsiga.

Mareykanka ayaa bisha May canshuur dheeraad ah ku soo rogay maciishadaha Shiinaha uu soo saaro oo loo iib geeyo Mareykanka, iyada oo si gaar ah xayirad ugu soo rogtay shirkadda isgaarsiinta ugu weyn Shiinaha ee Huawei.

Labada dhinacba waxay isku soo rogeen canshuuro dheeraad ah oo balaayiin doolar ku kacaya, waxaana laga cabsi qabaa dagaalka ganacsiga ee u dhaxeeya labad dal inuu si weyn u saameeyo dhaqaalaha labada dal.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this