Deeq A. Posted June 6, 2019 (SLTSudan)Mas’uuliyiinta dalka Suudaan ayaa sheegay in 46 ruux lagu dilay isku dayga lagu doonayay in lagu kala eryo mudaharaadeyaasha u doodaya dimuqraadiyadda. Tiradaas ay qirteen ayaana aad uga yar 100-ka ruux ee ay dhakhaatiirta sheegeen in lagu dilay howlgalladaas ay ciidamada ammaanka fuliyeen. Arrintan ayaa u muuqata tallaabadii ugu horreysay ee lagu aqoonsaday xaddiga khasaaraha ka dhashay qalalaasaha. Saraakiisha ayaa markii hore ka gaabsan jiray wararka ku saabsan dhimashada rayidka, iyadoo ciidamada amaanka lagu eedeynayay inay rasaas ku fureen dad aan hubeysneyn. Wadahadallo u dhaxeeyay mucaaradka iyo golaha ku meel gaarka ah ee Milatariga maamulka haya ayaa burburay horaantii isbuucan. Madaxda mucaaradka Suudaan ayaa ku gacan seyray wada xaajood ay mar kale soo bandhigeen golaha Milatariga, iyagoo sheegay inaysan kalsooni ku qabi karin yaboohaas, maadaama uu wali socdo qalalaasaha sida qallafsan loola tacaalayo. Source Share this post Link to post Share on other sites