Sign in to follow this  
Deeq A.

“Shirka Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco Isku Laab Xadhanayaan Sabab Ay Xukuumaddu Didmo Uga Muujiso Meesha Ma Taalo “ Mustafe Shiine

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London) Inkastoonan ka mid ahayn ragga xiiseeya shirarka reeruhu yeeshaan oo aanan ka qayb gelin, haddana ma arko sabab looga sasaa beelo ood iyo dhalasho wadaag ah oo wax kala tirasaday khalad iyo sax inay yaqiinsadaan baahida loo qabo in lays beer xaadho oo ugu yaraan laysugu yimaado shir horu dhac ah.
Waa dhab in maanta dadka wada yaal magaalada Burco, gaar ahaan ay u baahan yihiin in dib loo soo nooleeyo midnimadii ugu yaraan ay ku dhisan jireen guddiyadii horumarinta ee ka hawlgeli jiray gobolkaasi, kuwaasi oo ku burburay kala xantaysigii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii ina kala qaybisay ee lagu soo doortay madaxweynaha guushiisii looga dabaaldegay bariga Burco iyo galbeedka Hargeysa oo keliya.

85171250-5CFB-4757-88B4-2B39AF7634D9.jpe


Shaqsiyan in ay jirto baahida dib u heshiisineed ee magaalada Burco iyo guud ahaan inta labadaa reer ay wada yaalaan waxaan soo xaqiiqsaday caleema saarkii Suldaanimo ee saaxiibkay Suldaan Cabdirisaaq Cumaani oo lagu qabtay hotel ku yaala daanta galbeed ee magaalada Burco oo haddana ay dadka galbeedka Burco ka maqnaadeen ka soo qaybgalka munaasibadaasi, marka laga reebo Deyr Xiniinyo Dheere oo keliya.
Waxaan xasuustaa in tiro abtirsiimo ahaan ka soo jeeda Galbeedka Burco oo aanu ku tagnay xaflada Suldaan Cumaani in nalagu dhibsaday oo na loo arkaayay rag badhi furaaya wax wax laysaga ogyahay.
Dhinaca kale intii xafladaasi socotay waxa salaantiinta wakhtigan hormuudka u ah bulshada bariga Burco ay noo soo bandhigayeen qolyahayaga fara ku tiriska ah ee xafladaasi ka soo qaybgalay in ay fidin doonaan gogol lagu wada hadlo oo lagaga wada hadlo waxa la kala tabanaayo, waan xasuustaa in uu madaxdhaqameedkaa arrinkaa soo jeedinayay uu ka mid ahaa Abtigay Boqor Osman Buurmadow, manay ahayn gogol ay uga danlahaayeen siyaasad iyo qolo kale loogu heshiiyo,.waxase ay haasaawaheeda wadeen in aanu tolku marnaba cadho ku kala maqnaan oo wixii dana laga wada hadli karaayo, iyadoo mararka qaarna siyaasada iyo arrimaha kaleba lagu kala aragti duwanaan karo.


Dadaalkii ay salaadinta qaar wadeen hadduu soo gaadhay heer labada dhinac ay isla ogolaadaan bal in ugu yaraan la wada hadlaa ma garan karo sabab ay xukuumadda maanta jirtaa ee eelka dhigtay uga sastaa, halkii ay iyadu dhiiri gelin lahayd in ummaddu is laab xaadhato, waxaase aan hubaa in siyaasada dawlada Muuse Biixi ay tahay in ay ku cimri dheeraysan karto oo keliya marka dadku beelo u qaybsan yahay oo sida uu Xassan Guure sheegay ay haddii qolo quraan akhrido ay qolada kale tidhaahdo “idinkama akhrisan “.


Si kastaba xaalku ha noqdee waa in xukuumaddu ay faraha ka qaadaa dagaalka ay ku hayso walaalahaa shiraaya ee aan dantooda mooyaanee cid kale ku maqnayn, hadday beel seddexaad u shirayaan anagaanba ka yeeleenee, hala siiyo fursad ay dib uga wada arrinsadaan danahooga.

Mustafe Shiine

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this