Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo beenisay warbixin Somaliland ka gudbisay gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib markii ay Somaliland Somaliland qoraal u dirtay hay’daha caalamiga ah ay ku wargelisay in aysan ka hawl geli Karin bariga gobolka Sanaag oo ay sheegtay in malayshiya-beeleed hubaysan iyo Al-shabaab joogaan ayaa waxa arrintaasi beeniyay madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Mudane Karaash ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka Somaliland isagoo sheegay in aysan jirin Al-shabaab ka hawlgala Dhahar iyo degaannada kale gobolka oo hore Somaliland warbixin qaldan uga gudbisay. (Halkan ka akhriso warbixinta Somaliland)

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa hay’adaha kala duwan ee caalamiga ah ku amray in ay ka hawlgalaan degaannada gobolka Sanaag oo uu sheegay in aysan wax dhibaato ah ka jirin.

Halkaan hoose ka daawo

PUNTLAND POST

The post Puntland oo beenisay warbixin Somaliland ka gudbisay gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this