Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Somalia oo si adag uga jawaabtay eedeyn ay u soo jeedisay Xukuumadda Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (PP) ─ Xukuumadda Kenya ayaa mar kale eedeyn culus u jeedisay dowladda federaalka Somalia, iyadoo dowladda federaalka ah ay ka bixisay eedeyntaas jawaab culus.

Wargeys kasoo baxa Kenya ayaa qoray in dowladda Somalia ay shidaal ka baarayso xeebaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanka Lamu, waxaana uu wargeysku xusay in war ay baahisay wasaaradda batroolka Somalia uu si cad u muujinayo in goobaha ay shidaalka ka baarayso ay ku jirto xeebta Laamu ee Kenya.

Sidoo kale, Wargeyska ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dowladda Kenya ay sheegtay in xeebta Lamu shidaalka laga baarayo ay qayb ka tahay 15 xirmo oo shidaal ay ka baarayso Dowladda Somalia, kuwaasoo qaarkood laga baarayo maamullada Galmudug iyo Hishabelle.

Hadalka wargeyska ayaa lagu xusay in wasaaradda shidaalka Somalia ay sheegtay in barista shidaalkan ay billaabanayso horraanta sannadka 2020-ka ee soo socda, ayna qandaraas ku siisay baaristan shirkad laga leeyahay mid ka mid ah dalalka Qaaradda Yurub.

Dhanka kale, Mas’uul ka tirsan wasaaradda bartoolka Somalia ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid aanay waxba ka jirin, isagoo xusay goobaha ay ka baarayaan shidaalka aysan ku jirin xeebta Laamu ee dalka Kenya.

“Ma jirto deegaan ka tirsan Kenya oo lagu soo daray warbixintii la xiriirtay sahminta shidaalka oo ay soo saartay wasaaradda Batroolka Somalia,” ayuu yiri C/qaadir Abiikar oo ka tirsan wasaaradda batroolka Somalia oo maanta la hadlay warbaahinta.

Sarkaalka ka tiran wasaaradda batroolka Somalia ayaa sheegay in goobaha lagu sameyn doono sahanka shidaalka ay ku yaallaan barriga iyo badaha Somalia oo keliya, aysanna jirin  meel ka baxsan oo ay sahan ku sameyn doonaan.

Ugu dambeyn, hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli muran xooggan oo ka dhashay muran badeed uu u dhexeeya Somalia iyo Kenya, iyadoo ay murankan go’aan ka gaari doonto maxkamadda ICJ ee xarunteedu tahay dalka Netherlands.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Somalia oo si adag uga jawaabtay eedeyn ay u soo jeedisay Xukuumadda Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this