Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog laga helay sababta ay Kenya u xirtay Bursaliid iyo magacyada dadka lala xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa kasoo baxaysa xariga iidamada dalka Kenya ay magaalada Nairobi ugu gaysteen Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Dr. Bursaliid ay xalay saqdii dhexe gurigiisa kala baxeen ciidamada sirdoonka dalka Kenya, sida laga soo xigtay qaar ka mid ah ehelladiisa. Ehellada ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe ay ciidamo isugu jira kuwa dharcad ah iyo kuwa hubeysan ay yimaadeen guriga uu ka degan yahay magaalada kadibna ka wateen

Ilo xog ogaal ah ayaa iminka sheegaya in xariga Dr. Bursaliid uu yimid kadib markii isaga iyo siyaasiyiin kale ay shalay magaalada Nairobi kaga dhowaaqeen xisbi siyaasadeed cusub oo lagu magacaabo Maandeeq Party.

Wararka ayaa sheegaya in Dr. Bursaliid lala xiray dhowr qof oo kale oo ay ka mid yihiin, Cali Cabdi Maxamed, Geelle Diiriye, nin magaciisa lagu soo koobay Xuseen iyo xubno kale oo magacyadooda aysan nasoo gaarin.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha la xiray aysan wax ogolaansho ah dowladda Kenya uga haysan shirkii ay shalay ku qabteen magaalada Nairobi.

Dr. Bursaliid ayaa caan ku ahaa inuu fallanqeyn jiray siyaasadda gobolka iyo Soomaalida, isaga oo caan ka ahaa warbaahinta Soomaalida. Waxa uu sidoo kale macallin ka ahaan jiray jaamacadda Nairobi.

Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay dhowaan diyaarisay liis ay ku qoran yihiin magacyada siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaali ah oo dalkeeda ay ka mamnuucday. Lama oga in xarigan uu taas qeyb ka yahay iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this