Deeq A. Posted June 6, 2019 Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ay ka geysteen deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho. Dilka ayaa waxaa la sheegay in loo geystay Marxuum lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Warsame oo wade ka ahaa Mooto Bajaaj. Axmed Cali Maxamuud oo ka mid ah Ehellada Marxuumka ayaa sheegay in dilkaasi ay ka dambeyeen Ciidamo Boolis ah oo watay gaadiidka dagaalka, kuwaas oo uu tilmaamay in ay ku sii jeedeen dhanka gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in dilka kadib Ciidamadaasi ay isaga dhaqaaqeen meesha ay wax ka dhaceen. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaasi. Inta badan Ciidamada dowladda ayaa dilal ka dhan Bajaajleyda ka geystay gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites