Deeq A. Posted June 6, 2019 Baydhabo (SMN) – Deeq-bixiyaasha caalamka ayaa sheegay inay qaadeen xayiyaaraddii deeqaha dhaqaale ee ay siin jireen ciidamada booliska maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hakiyay bishii December ee 2018. Qoraal ay si wadajir ah soo saareen safiiradda dalalka Jarmalka, Ingiriiska, Midowga Yurub u fadhiya Muqdisho ayaa lagu xaqiijyay in dhawaan dib ay u billaabi doonaan lacagti lagu taageeri jiray Booliska Kooanfur Galbeed. Deeq-bixiyaasha ayaa tilmaamay inay ka go’antahay sii wadista barnaamijka horumarin ciidamada booliska, si loo xoojiyo nabada iyo xasiloonida degaanada maamulka Koonfur Galbeed. Dalalka Deeqaha dhaqaale siiya ayaa joojiyay taageeradda booliska Koonfur Galbeed kadib markii 15 qof oo shacab ah lagu dilay magaalada Baydhabo, maalmo kahor doorashadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Rabshadiihii hareeyay doorashadii Baydhabo ayaa horseeday in dalka lag eryo wakiilkii Qaramada Midoobey Nicholas Haysom kadib markii uu su’aallo ka keenay dilka shacabka. Midowga Yurub ayaa siiyo dalka dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada taageer dhinacyo kala duwan leh, waxaana sidoo kale ay dhanka mashaaraadka ka caawiyaan ciidamada Midowga Africa ee AMISOM. View the full article Share this post Link to post Share on other sites