Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Sarkaal ka mid ahaa Al-Shabaabkii weeraray Ceel Cadde oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Nin ka mid ahaa dhaq dhaqaaqa AL-shbaaab sida uu sheegay ayey Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku soo bandhigeen Magaalada Kismaayo

Ibraahim Lujeende Maxamed, ayaa sheegay in uu ka soo baxsaday AL-shabaab, isaga oo baxsanaya xabado lagu furay.

Waxaa uu sheegay in uu 10 sano ka mid ahaa AL-shabaab isaga oo ku dagaallami jiray Qori AK47 ah sida uu sheegay Ibraahim.

Ibraahim oo uu af Soomaaliga ku adagyahay ayaa sheegay in markii uu soo baxsanayay uu galay howdka kaddibna xilli habeen ah lugeeyay sidaasna ku tagay Baarsanguuni oo uu iska dhiibay.

Ninka la qabtay ayaa  tirsan qeybta Jabhadaha ee weerarada ku qaada xeryaha ciidamada, waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa dagaalamayaashii Al-Shabaab ee ka qeyb galay weerarkii Ceel Cadde ee Gobolka Gedo oo dhacay sanadkii 2015 ee lagu galay xero Ciidamada Kenya, laguna dilay boqolaal askari.

Marka laga soo tago sheegashada Saraakiisha Ciidamada dowladda, ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab, waxaana inta badan Shabaabka ka gaabsadaan weerarada cirka iyo howlgalada ka dhaca deegaanada ay maamulaan.

Maxamed Beddel Xasan Taliyaha guutada 11aad qeybta 43aad ee Ciidanka Xoogga dalka, ayaa sheegay in Ninkaasi Al-shabaab u qaabilsanaa sirdoonka,xogahana u uririn jiray.

sarkaalos.jpg Shabab-2.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this