Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Go’doonka ay ku jirto magaalada Muqdisho oo go’aan cusub laga gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo ka badan 60 cisho ayey xaalad go’doon ah ku jirtaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaana dhibaato badan ku qaba Shacabka Soomaaliyeed ee deggan gobalka Banaadir, kuwaas oo isu gudbi waayay 60-ka cisho.

Magaalada go’doonka ay ku jirto muddada labada bil ah waxaa ugu darneyd bishii Ramadaan ee hadda dhamaatay oo aad loo sii adkeeyay, waxa ayna noqotay in dadka deggan goobaha la isaga gudbo ee magaalada labada dhinac in ay gaadiidkooda iska xareeyaan ama in ay ka soo guuraan degaanka go’doonka ah halka qaarkoodna ay bajaaj kireestaan.

Caasimada Online ayaa baartay 60 Cesho kadib waxa laga yeelayo magaalada Muqdisho waxayna la hadashay dhowr qof oo kamid ah Saraakiisha Booliiska iyo Wasaaradda amniga Soomaaliya.

Dadka aan la hadalnay oo qaarkood wax ka leh go’aanada amni ee dalka ayaa noo xaqiijiyay in go’aan cusub lagu gaaray in magaalada 3 bil oo kale ay sidaan sii ahaan doonto, waxayna Saraakiishaas ay noo xaqiijiyeen in ay ku guuleesteen baajinta weeraro badan intii ay magaalada xirneed.

“Annaga go’doon uma naqaano mana la dhihi karo go’doon waa baaritaan waa hubin wax badan lagu faa’iday, guulo waa wayn ayaana ku gaarnay waana sii wadi doonaa” ayuu yiri Sarkaal sare oo katirsan Booliiska Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

Sarkaalkaan aan la hadalnay ayaa sheegay in ay suurta gal-tahay in baaritaanka uu sidaan ka dhib yaraado balse aysan marna dhici doonin in lafuro isu socodka gaadiidka ee degmooyinka gobalka Banaadir inta xal amni oo buuxa loo helayo gobalka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this