Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay Jubada hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ee ku sugan gobolka Jubada hoose oo iskaashanaya ayaa hawlgal wadajir ah ku qabtay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in hawlgalka oo ka dhacay degaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubada hoose ay ku qabteen Ibraahim Lujende Maxamed oo Al-shabaab u qaabilsanaa xog raadinta iyo sahanka.

Sarkaalka la qabtay ayaa ciidamadu sheegeen in uu ka tirsanaa jabhadaha wax weerara ee Al-shabaab islamarkaana uu ka qeyb-galay weerarkii lagu qaaday saldhiga ciidamada Kenya ee degaanka Ceel-cadde sannadkii 2015.

Ururka Al-shabaab ayaan dhankooda weli ka hadlin sarkaalka la sheegayo in laga qabtay.

PUNTLAND POST

The post Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay Jubada hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this