Deeq A. Posted June 6, 2019 Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ee ku sugan gobolka Jubada hoose oo iskaashanaya ayaa hawlgal wadajir ah ku qabtay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab. Saraakiisha ayaa sheegay in hawlgalka oo ka dhacay degaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubada hoose ay ku qabteen Ibraahim Lujende Maxamed oo Al-shabaab u qaabilsanaa xog raadinta iyo sahanka. Sarkaalka la qabtay ayaa ciidamadu sheegeen in uu ka tirsanaa jabhadaha wax weerara ee Al-shabaab islamarkaana uu ka qeyb-galay weerarkii lagu qaaday saldhiga ciidamada Kenya ee degaanka Ceel-cadde sannadkii 2015. Ururka Al-shabaab ayaan dhankooda weli ka hadlin sarkaalka la sheegayo in laga qabtay. PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay Jubada hoose appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites