Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo sheegay in duqeymo ay ku dileen xubno ka tirsan Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Howlgal khasaare uu ka soo gaaray Xubno ka tirsan Daacish ee ku sugan  Puntland ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Bari,kaasi oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Ciidammada Amniga dowladda Soomaaliya.

War ka soo baxay taliska ciidammada mareykanka ah ee jooga afrika ee Africom ayaa faah faahiyay duqeymahaasi,waxaana ay sheegeen in ay ku bartilmaameedsadeen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Daacishta ku  jirta deegaanada Puntland sida lagu yiri Warbixinta Africom.

Warbixin uu soo saaray taliska AFricom ayaa lagu sheegay in weerarkaasi cirka ah lagu dilay ilaa 6 xubnood oo ka tirsan Daacish,kuwaasi oo ka howlgala buuraha Goolis ee Puntaland.

Mareykanka ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu joogteeyo weeraradaasi,ilaa la soo afjaro wax uu ugu yeeray kooxaha argagixisada ee ku sugan Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this