Sign in to follow this  
Deeq A.

Odayaasha beelaha Gaarisa dega oo war kasoo saaray xiisadda Somalia iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaarisa (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beelaha dega magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, ayaa ka hadlay xiisadda u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya, waxayna soo jeediyeen in lagu dhammeeyo hab diblomaasiyeed.

Odayaashan oo ay ka mid yihiin Maxamed Gaabow, Dubad Camey iyo Xasan Cusmaan ayaa ku baaqay in laga laabto kiiska maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, islamarkaana xiisadda lagu dhameeyo wada-hadal.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan seertay inay wax wada-hadal ah ka gasho muranka badda.

Maxamed Gaabow ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay leeyihiin xiriir soo jireen ah oo ay tahay inaan la halleyn.

“Kenya waxay garab istaagtay Soomaaliya, ayada oo marti-gelisay dad gaaraya hal milyan oo qaxooti ah muddo labaatan sano ka badan. Muranka xuduudda badda waxaa lagu xalin karaa si saaxiibtinimo, mana ahan inuu labada dal u horseedo dhiig daata” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay inay jirto xiisad kale oo sii kordheysay oo u dhaxeysa muwaadiniinta labada dal, gaar ahaan kuwa ku nool dhanka xududda.

Dhinaca kale, Dubad Camey ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inay si deg deg ah u billaabaan wada-hadallo xal looga gaarayo xiisadda, laguna wanaajinayo xiriirka u dhaxeeya labada dal.

“Haddii aan u ogolaano ICJ inay xaliso arrintan, waxay horseedi doontaa in xaaladda kasii darto, waxaana suurta-gal ah inay hoggaamiso dagaal ka dhex qarxa labada dal” ayuu yiri Camey.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this