Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababta Kenya looga adkaan doono dagaalka ay Somalia kula jirto oo la shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dr Cabdiwahab Sheekh Cabdisamad, oo ah aqoonyahan taxliiliya siyaasadda Soomaaliya kuna sugan Nairobi ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay tahay midda khasaaraha ugu xooggan kala kulmi doonta dagaalka siyaasadeed ee ay ku jirto Soomaaliya.

Wareysi ii siiyey wargeyska Daily Nation ee Nairobi, ayaa Dr. Cabdiwahaab waxa uu ka digay in haddii naceybka uu sii socdo, Kenya ay wajihi doonto khasaare dhaqaale oo aad u xoog badan.

Waxa uu sheegau in Soomaaliya ay tahay suuqa ugu weyn ee khaatka miraa-ga ee laga soo saaro Kenya iyo sidoo kale adeegga duulimaadyada, maadaama dhammaan diyaaradaha u duula Soomaaliya ay ka diiwana gashan yihiin Kenya.

Dadka Kenya ayaa sidoo kale ah shaqaalaha ugu badan ee ajnabiga ah ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan u shaqeeya hay’adaha caalamiga ah.

Waxaa intaas dheer in Soomaalida ay yihiin dadka ugu badan ee maal-gashta islamarkaana ganacsi xooggan ku leh Kenya, gaar ahaan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ganacsigeeda oo idil ay maamulaan Soomaalida.

Soomaalida ayaa sidoo kale hadda ku biiray suuqa shidaalka iyo saliida Kenya, halka ay maal-gashtayaal badan oo Soomaali ah ay kusii xoogaysanayaan ganacsiga hantida ma guurtada ah ee Kenya.

Warbixinta Daily Nation ayaa lagu sheegay in Kenya ay suu gaari karo dhaawac dhaqaale oo aad u xooggan, ayada oo ganacsiga Kenya uga yimaada Soomaaliya lagu qiyaasay laba bilyan oo dollar sanadkii, taasi oo sare u qaaday qiimaha lacagta shilling-ka Kenya.

Ka sokow dhaqaalaha, waxaa Kenya sidoo kale uu dhaawca kasoo gaari doonaa weerarada kooxda Al-Shabaab, haddii dowladda Soomaaliya ay joojiso warbixinada amni ee ay la wadaagto Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this