Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Shiinaha oo kala saxiixday laba heshiis oo waa weyn + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Beijing (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey oo kala ahaa Wasiirada Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Faarax Maxamuud Cawaash, Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran), Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Maxamed Cabdi.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka Shiinaha waxaa u hirgalay kulamo iyo booqashooyin Xarumo Dowladeed, Wershedo wax soo saar, Goobo caafimaad iyo Rugta Ganacsiga.

Sidoo kale waxay weftigu wada-hadalo miradhal ah la yeesheen madaxda wadanka Shiinaha iyo Shirkado Ganacsi oo caalami ah.

Wada-hadaladaasi waxa ay ahaayeen kuwo lagu dar-dargelinayo mashaariicdii horey u socotay, sida dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacayo, wadada Eyl iyo Garoowe isku xirta, dhamaystirka wejiga labaad garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo in maalgashi loo helo kheyraadka dalka iyo kaabayaasha adeegyada bulshada,sida Biyaha, Korontada, Kalluumaysiga iyo hirgelinta duulimaadyo Caalami ah.

Waxay Weftigu la saxiixdeen Madaxda caasimadda Tongxiang ee gobolka Jiaxing Zheijiang laba Heshiis oo kala ah:

1. Mataaneynta labada magaalo ee Tongxiang iyo Gaalkacayo, kuwaas oo yeelanaya Iskaashi iyo qorsheyaal horumarinta magaalooyinka ah.

2. In aag u gaar ah dhaqaalaha laga hirgeliyo Puntland “ Horn of Africa Special Economic Zone”, barnaamijkan maalgelintiisa iyo fulintiisa waxaa yeelandoonta Hay’adda caalamiga ah ee Tongxiang Economic Development zone.

Heshiisyada dhaxalgal ka ah waxaa dhinaca Puntland u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershedaha Puntland Mudane Cabdullaahi Maxamed Cabdi.

1-1.jpg 2-1.jpg 3-1.jpg 4-1.jpg 5.jpg 6.jpg 7.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this