Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay khariidaddii Itoobiya ee laga tiray Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay khariidaddii ay soo saaraty wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ee tirtay Soomaaliya islamarkaana ku dartay Itoobiya.

Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa cod ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab ku sheegay in khariidaddaas ay dowladda Itoobiya ku caddeysatay damaceeda fog ee ay ku dooneyso inay dalka Soomaaliya ku qabsato.

Cali Dheere ayaa sheegay in hoggaanka dalka Itoobiya uu “ku adeeganayo hoggaanka dowladda federaalka ee Soomaaliya oo gacan geliyay dhulka Soomaaliyeed.”

“Itoobiya waxay hadda mareysaa inay ka gudubtay hadalladi maldahnaa iyo sarbeebihii ay ku sheegan jirtay dhulka Soomaaliya oo ay maanta si cad qorshaheeda banaanka usoo dhigtay” ayuu yiri Cali Dheere.

Cali Dheera ayaa sheegay inay yaab tahay in madaxda dowladda Soomaaliya aysan weli ka hadlin khariidadda dowladda Itoobiya oo ay ka aamusan yihiin.

Waxa uu intaas ku daray in “amxaarada aysan dooneyn Soomaaliya oo kaliya balse damacooda fog uu yahay inay qabsadaan kacbada, balse ay hortaagan yihiin mujaahidiinta”

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa dhinaca kale ka hadlay shirkii London ee shidaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in shirkaas “lagu boobay laguna iibiyey kheyraadka Soomaaliya iyo in baarlamanka Soomaaliya uu ansixiyey qorshahaasi.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this