Deeq A. Posted June 5, 2019 Saakow (Caasimada Online) – Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo loo yaqaan Fu’aad Shongole oo ka mid ah saraakiisha sare ee kooxda Al-Shabaab ayaa sanado kadib meel fagaare ah kasoo muuqday shalay. Shongole oo horey u ahaan jiray madaxa dacwada kooxda Al-Shabaab ayaa boqolaal dadweyne ah iyo ciidamada Al-Shabaab shalay kula ciiday magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe oo kooxda Al-Shabaab ay gacanta ku hayso. Shongole ayaa halkaas ka jeediyey khudbad uu kula hadlay shacabka degan Saakow. Sawirradiisa ayaa waxaa baahiyey warbaahinta kooxda Al-Shabaab, waxaana wararka ay sheegayaan inuusan iminka wax xil ah oo sare ka hayn kooxda, taasina ay tahay sababta ay u baahiyeen muuqaalladiisa iyo halka uu joogo. Al-Shabaab ayaan inta badan shaacin muuqallada iyo goobaha ay ku sugan yihiin saraakiisha sare ee kooxda. Fu’aad Shongole ayaa la sheegay in iminka uu yahay kaliya wadaad dadka wacdiya oo kooxda ka tirsan, balse aan wax xil ah oo muhiim ah ka hayn. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites