Sign in to follow this  
Deeq A.

Maareeye oo ku baaqay in laga wada shaqeeyo Nabadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdusho (SMN) – Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ciideysanaya ugu baaqay, iney ka shaqeeyaan nabad gelyada dalka ayna lashaqeeyaan Ciidamada qalabka sida.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladu ay tahay adeegayaal u shaqeeya Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in ay u taagantahay in Shacabku ay helaan adeegyada ay xaqa u leeyihiin sida, Waxbarasho lacag la’aan ah, Caafimaad iyo adeegyada kale, isagoo xusay in ay dowladu ay ku dadaaleyso sidii muwaadin kasta meel walba uu tagyo loogu xushmeyn lahaa Soomaalinimada.

Iyadoo maanta ay tahay maalinta labaad ee Ciidul fidriga ayaa waxaa magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka si weyn uga socda dabaal degyada lagu soo dhaweeynayo maalinta labaad ee Ciida, waxaana ammaanka si weyn u adkeeyay Ciidamada dowlada Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this