Deeq A. Posted June 5, 2019 Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhalinyarada ay yihiin awoodda kaliya ee dalkaan uu leeyahay, loona baahanyahay inay masuuliyad weyn iska saaraan hormarkiisa. Madaxweynaha oo la hadlaayay Ciidamada ayaa ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan ka xureynta dalka maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab, wuxuuna ku tilmaamay kuwa naftooda u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan nabada, isagoo xusay in muwaadin walba marka uu ka shaqeeyo hormarka iyo nabad gelyada dalka, qof walba uu helaayo nabad iyo Cadaalad dowlad nimaduna ay tahay waxa kaliya ee lagu heli karo adeegyada muhiimka u ah muwaadin walba. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalintii shalay waxaa uu la ciiday ciidanka Xooga Dalka,isagoo ku bogaadiyay xoojinta gudashada waajibaadkooda,kuna amaanay nafhurnimada ay u sameynayaan shacaka Soomaaliyeed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites